Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa dagaal xoogani ku dhaxmar deegaanka degaanka Marnaani oo 30 KM u jira magaaladda Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose..
Dagaal oo sida la sheegey ay qaadeen ciidanka jubaland ayaa la tilmaamay in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidamo ku daabuleysay deegaanka raaskaamboni waxaana dhowr jeer maamulka jubaland qoraalo ay soo saareen waqtiyo kooban ugu qabteen dowladu in ay ciidankeeda kala baxdo raaskaambooni.
Labada dhinac ee saaka dagaalku ku dhaxmaray deegaanka Marnaani ayaa guulo ka kala sheegay dagaalkaasi.
Taageerayaasha dowladda ayaa qoraalo ay baraha bulshada ku baahiyeen waxa ay sheegeen in jubaland laga gubay gawaari dagaal sidoo kalana ciidamo fara badan maxaabiis ahaan looga qabtay halka Jubaland ay sheegtay in ciimadeedu ay la wareegeen difaacyadii ciidama dowlaada ee raaskaambooni.
Ma jirto cid ka madax banana labada dhinac oo xaqiijin karta sheegashooyinka iyo guulaha ay kala sheegteen.
Isgaarsiinta ayaa la sheegay in ay deegaanka gabaabsi ku tahay waxaana yar xogaha rasmiga ah ee laga helo karo.
Dowladda fadaraalka gaar taliska ciidamada xooga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay saanac iyo hub culus ka dajiyay raaskaambooni waxaana sidoo kale dowladu ay deegaankaasi geyday qaar ka mid diyaaradaha dagaalka ee ciidamada xooga dalka mana cada in ay qeyb ka yihiin dagaalka saaka.
Dhinaca ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan duleedka kismaayo gaar ahaan deegaanada Goobweyn iyo ma dhamaato ayaa la sheegay in ay halkaasi dhaqdhaqaayo ka wadaan.
Siyaasi Faarax gaaceer oo mar ka soo mid noqday baarlamaanka jubaland ayaa OGAAL TV uga waramay dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaaday Goobweyn iyo Madhamaato.