Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntaland Saciid Cabdullahi Maxamed Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho dowlada fadaraalka ah, ayna dood adag qabto oo ay rabto in lagu falanqeeyo meel fagaare ah, garsoorayaalna ay ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda.
Wuxuu ka digay in haddii aan xaaladda wax laga qaban in Soomaaliya lagu kala tagi karo, isaga oo tusaale ahaan u soo qaatay Somaliland.
Hadalkan ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay munaasabad casho sharaf ah oo uu u sameeyay ka qeyb galayaasha Shir Sanadeedka Nabadda ee PDRC.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA