𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐮 𝐃𝐮𝐛𝐚𝐢 𝐨𝐨 𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐝𝐞𝐲𝐦𝐡𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.

𝐃𝐮𝐛𝐚𝐢, 𝐔𝐀𝐄: Wada xaajood muddo dheer socday ayaa maanta oo taariikhdu tahay 11-ka Bisha February 2025, waxaa si rasmi ah heshiis uga gaaray Dowladda Soomaliya iyo Sanduuqa Horumarinta Abu Dubai, heshiiskan ayaa xal looga gaaray dayn dhan $257 milyan oo doolar , dayntaas oo ay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya qaadatay kuna maalgalisay Mashruucii Warshadii Sokorta Jubba.

Heshiiskaan oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abdu Dubai Mr. Mohamed Saif Al-Suwaidi ayaa alaabada u furaya in Sanduuqu uu dib ula falgalo ka qeyb qaadashada Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ka jira iyo helidda maalgalin cusub oo dib loogu maalgelin karo kaabayasha dhaqaalaha ee dalka kuwaas oo baahi wayn loo qabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay dadaal xoogan ugu jirtay sidii Soomaaliya ay u heli laheyd Maalgalin iyo horumarin ilaha dhaqaalaha dalka kadib markii laga cafiyay deymhii Adduunku kulahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *