Ogaal TV

War Deg Deg ah: Xisbullah oo Hogaamiye Cusub Magacowday

Xisbullah ayaa Naim Qassem u magacaabay hoggaamiye cusub kaddib markii hoggaamiyihii hore Xassan Nasrallah lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israel fulisay bishii hore. Magacaabista waxaa shaaciyey Golaha Shuurada Xisbullah bishii Oktoobar 28, 2024.

 

Qassem, oo muddo dheer ka mid ahaa hoggaanka Xisbullah, wuxuu ka soo shaqeynayey inuu qaabeeyo mabda’a iyo istaraatiijiyadda kooxda tan iyo 1991-kii markuu noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha. Wuxuu ku dhashay Lubnaan 1953-kii, isagoo ku biiray Xisbullah xilliyadii ay kooxdu bilowga ahayd, wuxuuna door weyn ku lahaa hoggaanka kooxda.

 

Qassem wuxuu xilka la wareegayaa waqti xasaasi ah, iyadoo Xisbullah ay sii wado dagaalka ka dhanka ah Israel, taageereyso Gaza iyo Falastiin, isla markaana difaaceyso Lubnaan. Khibradiisa iyo xirfadiisa qotada dheer ayaa u saamaxeysa inuu hogaamiyo xiriirka adag ee Xisbullah kala dhexeeyo Iran iyo Suuriya xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan

Exit mobile version