Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Hubka Niyukleerka, Bayolojikada iyo Kiimikada ee Ruushma oo Qarax lagu dilay

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Hubka Niyukleerka, Bayolojikada iyo Kiimikada ee Ruushka, Sareeye Guuto Igor Kirillov, iyo kaaliyihiisa ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Moscow aroortii hore ee 17-ka Diseembar, 2024. Qaraxa ayaa ka dhashay walxaha qarxa oo lagu qariyay mooto koronto (electric scooter) oo si fog loo qarxiyay.

Hay’adda Amniga Ukraine (SBU) ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaas, iyaga oo ku eedeeyay Kirillov inuu ku lug lahaa isticmaalka hubka kiimikada ee mamnuuca ah oo lagula dagaalamay ciidanka Ukraine. Qaraxan ayaa la sheegay inuu lahaa awood u dhiganta 300 garaam oo TNT ah.

Dilka Kirillov ayaa imaanaya hal maalin kadib markii Ukraine ay dacwad rasmi ah ku soo oogtay isaga, iyada oo ku eedeysay danbiyo dagaal oo la xiriira isticmaalka hubka kiimikada. Weerarkan ayaa qeyb ka ah taxanaha dilalka qorsheysan ee ay Ukraine sheegatay tan iyo markii uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine billowday 2022.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa ku dhawaaqay baaritaan rasmi ah oo lagu sameynayo dhacdadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *