Dowladdaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa kala saxiixday heshiis muhiim ah oo dhinaca amniga ah, kaasoo kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal ee la xiriira tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhigiisa Serbia, Ivica Dačić, ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan iyo horumarinta iskaashiga dhinaca amniga.
Heshiiska cusub ee la saxiixday ayaa xoogga saarayaa tababarada iyo tayeynta Ciidanka Amniga Soomaaliya, iyadoo Wasiirka Amniga Soomaaliya uu sheegay in heshiiskan uu wax weyn ka beddeli doono iskaashiga labada dal. “Heshiiskani waxa uu si gaar ah u xoojin doonaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo xiriirka dhexmaray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia uu yahay mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya.
https://googleads.g.doubleclick.net/pagead/ads?gdpr=0&client=ca-pub-5485553666531996&output=html&h=280&adk=1955044968&adf=3925298193&pi=t.aa~a.3850671431~i.3~rp.4&w=950&abgtt=7&fwrn=4&fwrnh=100&lmt=1732780216&num_ads=1&rafmt=1&armr=3&sem=mc&pwprc=3860133875&ad_type=text_image&format=950×280&url=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2Fsoomaaliya-iyo-serbia-oo-kala-saxiixday-heshiis-muhiim-ah-oo-dhinaca-amniga-ah%2F&host=ca-host-pub-2644536267352236&fwr=0&pra=3&rh=200&rw=950&rpe=1&resp_fmts=3&wgl=1&fa=27&uach=WyJXaW5kb3dzIiwiOC4wLjAiLCJ4ODYiLCIiLCIxMzEuMC42Nzc4Ljg2IixudWxsLDAsbnVsbCwiNjQiLFtbIkdvb2dsZSBDaHJvbWUiLCIxMzEuMC42Nzc4Ljg2Il0sWyJDaHJvbWl1bSIsIjEzMS4wLjY3NzguODYiXSxbIk5vdF9BIEJyYW5kIiwiMjQuMC4wLjAiXV0sMF0.&dt=1732780216295&bpp=1&bdt=518&idt=-M&shv=r20241120&mjsv=m202411140101&ptt=9&saldr=aa&abxe=1&cookie=ID%3D3e4646323907533e%3AT%3D1730558936%3ART%3D1732780205%3AS%3DALNI_Ma0w_D2_6thah4Hsub44XliFDWc2A&gpic=UID%3D00000f6737961776%3AT%3D1730558936%3ART%3D1732780205%3AS%3DALNI_MYZXuzOMs2QfKSEj5uhlUETpgVcmA&eo_id_str=ID%3Dee28f6b060975a8c%3AT%3D1730558936%3ART%3D1732780205%3AS%3DAA-AfjYDc4E7oJAWrsIUwiw1iIDh&prev_fmts=0x0&nras=2&correlator=83425007038&frm=20&pv=1&u_tz=180&u_his=4&u_h=1080&u_w=1920&u_ah=1040&u_aw=1920&u_cd=24&u_sd=1&dmc=8&adx=468&ady=1583&biw=1886&bih=945&scr_x=0&scr_y=0&eid=31088128%2C42531706%2C95344791%2C95335246%2C31088458%2C95345967%2C95348347&oid=2&pvsid=272250775461941&tmod=1396024101&uas=0&nvt=1&ref=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F&fc=1408&brdim=1%2C0%2C1%2C0%2C1920%2C0%2C1919%2C1040%2C1903%2C945&vis=1&rsz=%7C%7Cs%7C&abl=NS&fu=128&bc=31&bz=1.01&td=1&tdf=0&psd=W251bGwsbnVsbCwiY29udHJvbF8yIiwxXQ..&nt=1&ifi=2&uci=a!2&btvi=1&fsb=1&dtd=531 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah. Waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay sida ay Serbia uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga amniga ee la leh Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxa uu xoojin doonaa taageerada amniga ee Soomaaliya, isagoo ka qeyb qaadan doona horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.