Ogaal TV

Warsaxaafadeed uu soo Saaraay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Wararka ku Saabsan Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee loo dirayo Ruushka

Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Yurub ayaa muujinaya in ay aad uga walaacsan yihiin wararka sheegaya in Jamhuuriyadda Kuuriyada Waqooyi ay ciidamo u direyso dalka Ruushka si ay uga qayb qaataan dagaalka Ruushka uu ka wado dalka Ukraine. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu yiri “Tallaabadan waxay noqoneysaa xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah oo ay ku jiraan qodobbada aasaasiga ah ee Xeerka Qarammada Midoobay. Waa tallaabo cad oo cadowtinimo ah oo ka timaada Kuuriyada Waqooyi, taas oo yeelan doonta cawaaqib xun oo ku saabsan nabadda iyo amniga Yurub iyo caalamkaba. Dhaqdhaqaaqa Kuuriyada Waqooyi ay wado waxay markale muujineysaa sida Ruushku uu u fidinayo qalalaasaha iyo kicinta khilaafaadka gobolka iyo guud ahaan dunida.”

Midowga Yurub wuxuu si adag u cambaareyay iskaashiga milatari iyo hubka sii kordhaya ee u dhexeeya Kuuriyada Waqooyi yo Ruushka, kuwaas oo si cad u jebinaya qaraarro kala duwan oo ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Midowga Yurub wuxuu ugu baaqay bayaankan Jamhuuriyadda Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso taageerada ay siineyso Ruushka si ay u wadaan dagaalkooda sharci-darrada ah.

Iskaashiga milatari ee sii kordhaya ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi wuxuu gudbinayaa farriin cad: inkastoo Ruushku sheegayo inuu diyaar u yahay inuu gorgortan galo, haddana dhab ahaan ma danaynayo in la gaaro nabad waarta, caddaalad leh, oo dhameystiran. Intaa waxaa dheer, Ruushka in uu tanaasulay waajibaadkiisii muhiimka ahaa ee la xiriiray Heshiiska ka-hor-tagga faafinta Hubka Nukliyeerka (Non-Proliferation Treaty (NPT). wuxuuna ku xadgudbayaa go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah oo la ansixiyay iyadoo Ruushka uu xubin ka yahay. Tallaabadan Ruushka uu qaaday waxay halis galineysaa masuuliyaddiisa xubinta joogtada Golaha Ammaanka iyo sidoo kale xubinnimdiisa Qaramada Midoobay. Kuuriyada Waqooyi ma heli karto mana yeelan doonto weligeedba darajada dal leh hubka nukliyeerka sida ku cad Heshiiska ka-hor-tagga faafinta Hubka Nukliyeerka.

Linkiga hoose guji si aad u aqrisatid nuqulka bayaanka.

https://www.consilium.europa.eu/en/press/press-releases/2024/10/24/russiaukraine-statement-by-the-high-representative-on-behalf-of-the-eu-on-reports-of-the-dprk-sending-troops-to-russia/pdf/

Exit mobile version