Ra’iisul wasaare Xamse oo ku wajahan Raaskaambooni

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo taliyaal ciidan ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan deegaanka Raaskaambooni ee gobolka Jubada hoose.

Sidda ay xaqiijiyeen illo ka ag dhow Madaxtooyada Soomaaliya Ra’iisulwasaare Xamse  iyo xubnaha la socda ayaa u kuur galaya xaalada deegaanka Raaskaambooni oo maalmihii la soo dhaafay ay dowladda Soomaaliya ku daabushay cutubyo ka tirsan ciidamo ka tirsan kuwa qalabka sidda ee soomaaliya qeybahooda kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa mudada uu ku suganyahay Raaskaambooni in uu hadal u jeediyo ciidamada ay dowlada deegaankaasi ku sugan.

Safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee deegaanka Raaskaambooni ayaa ku soo aadaya xili uu maalmihii la soo dhaafay circa isku sii shareeray Khilaafka Maamulka Jubaland iyo dowladda fadraaalka ah ee Soomaaliya.

Jubaland ayaa horay ugu hanjabtay in ay duqeyn doonto diyaaradii isku dayda in ay ka degto Raaskaambooni

Wixii ka soo kordha Safarka Ra’iisul wasaare Xamse waxaan idinkugu soo gudbin doona wararkeena dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *