Ogaal TV

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labbaad ee Xukuummada ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiirkii hore.

Muqdisho, Axad, 27 Oktoobar 2024. Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka labbaad ee Xukuummada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Adan iyo Wasiirkii hore Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi Ibraahim.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay tahay xuddunta hay’addaha dowladda isagoo tilmaamay in Wasaaraddu horumar badan gaartay oo ay kamid tahay shuruucda dhanka shaqaalaha, wuxuunna si gaar ah ugu ammaanay diiwaangalintii lagu sameeyay dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dowladda.
Mudane Cabdisalaan ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay inuu dadaal badan galiyo sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee loo igmaday.
DHAMMAAD
Exit mobile version