Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanadihii lasoo dhaafay ay kordheyn Dadka Naafada ah kaddib markii colaadda ka jirta Dalal badan oo Caalamka sii korortay sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay Ururkaan.
iyada oo maanta Dunida la maamuusayo maalinta loo gaarka yeelay Dadka Naafada ah ayay Qaramada Midoobay sheegtay in colaadda sii kordhaysa ay la tagtay lixaadka Dad badan oo badqabay kahor inta aysan billaaban.
Tira koob dhammeystiran laguma sameyn Dadka Naafada ah ee xaaladdoodu cusub tahay balse Bariga Dhexe ayaa ah meesha ugu badan ee Dadkaas ku nafoobeyn maadaama dagaallada ka socda ay sii kordheen sanad gudihiis.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa fariin u diray dhinacyada sababta u ah naafada ku timaada dhaawaca Dadkaas soo gaara, waxaana uu ku baaqay in xoogga la saaro dhabbaha nabadda halkii colaad la daba joogi lahaa.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay Dalalka ay ku nool yihiin Dadka ku lixaadbooda ku waayay dagaallada iyo qaraxyada, dadkaas qaarkood ayaa dalbaday in laga joojiyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan bulshada lixaadkoodu u dhammeystiran yahay.
3da Deseembar waxaa sanad weliba la xusaa maalinta loo gaarka yeelay Dadka Naafada ah, waxaa jira tiro ka mid ah Dadkaas oo shaqo la’aan, Waxbarasho la’aan iyo daryeel la’aan isku darsaday oo ku nool Dalal kala duwan.