Ogaal TV

NISA oo garoonka Muqdisho ka celisay xildhibaan ku sii jeeday Baydhabo.

Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha aadan cade ee magaalada muqdisho ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka deegaan doorashdiisunatahay Koonfur galbeed u diiday in uu ka dhoofo garoonka xili uu ku sii jeeday magaalada Baydhabo.

 

Xildhibaanka oo tagay garoonka diyaaraha iskuna diyaariyay socdaal uu ku tagi lahaa Baydhabo ayaa la sheegay in ay ciidamada NISA ku wargaliyeen in uu dib iskaga laabto gurigiisii oo uusan raaceyn diyaarada baydhabo

 

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale dowlada Soomaaliya ay u diiday in ay garoonka aadan cade ka duulaan xildhibaano ku sii jeeday Baydhabo oo ay ka mid aheyd Xildhibaan Sareedo inkasta oo ay maalmo kadib gaartay magaaladaasi.

 

Go’aanka loogu diiday in uu garoonka Muqdisho ka dhoofo Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullahi  Ciirow ayaa imaanaya iyadoo la shaaciyey dhawaan in lasoo afjaray khilaafkii Villa Soomaaliya iyo maamulka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagreen ee Koonfur-galbeed.

 

 

Exit mobile version