Israa’iil ayaa ku eedaysay Ururka Xamaas in ay carqaladaynayaan heshiiskii xabbad-joojinta, kaddib markii shaybaadh lagu sameeyay maydad laga keenay Gaza Khamiistii aanu ahayn maydkii Shiri Bibas.
Maydadka kale ee saddexda ah ee la geeyay Israa’iil waxa la caddeeyay in ay ku jireen wiilasheedii Ariel iyo Kfir iyo oday u ololayn jiray arrrimaha nabadda Oded Lifschitz, oo 84 jir ahaa, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Israa’iil.
Laakiin maydka afraad ayaan ahayn Shiri kama na mid ahayn dadka lahaystayaasha Israa’iil, waxaana rayaslawsaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu rumaysan yahay in Xamaas ay naxash ku soo rideen maydka gabadh reer Gaza ah.
Afhayeen u hadlay Xamaas, Ismail al-Thwabta ayaa Jimcihii barta X ku sheegay in maydka Shiri uu u muuqdo mid ku dhex qasmay maydad kale oo ku hoos jira burburka ka dhashay duqaymaha cirka ee Israa’iil.
Kooxda ayaa u sheegtay wakaaladda wararka Reuters in ay baadhayaan waxa sababay in myadka qaldamay loo diro Israa’iil.
Waxaanay mar kale ku celiyeen warkoodii hore ee ahaa in carruurta iyo hooyaduba ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil.
Ha se yeeshee, Israa’iil ayaa Khamiistii waxa ay sheegtay in wiilashaasi ‘si arxan darro ah ay argagixisadu ugu laysay xabsiga bishii November sannadkii 2023, sid ay hadalka u dhigeen hay’adaha sirdoonku.
Israa’iil waxa ay dalbatay in Shiri iyo la haystayaasha kale la soo celiyo.
“Haddii ay nooshahay iyo haddii kalaba, waa in ay dib u soo celiyaan Shiri Bibas,” afhayeen caalami ah oo u hadlay ciidanka Israa’iil, Lt Col Nadav Shoshani ayaa u sheegay barnaamijka BBC Radio 4.
Netanyahu waxa uu yidhi “waxa aan u dhaqmi doonnaa sida ugu macquulsan ilaa inta Shiri iyo lahaystayaasha kalaba lagu soo celinayo guryahooda – kuwa nool iyo kuwa dhintayba – waxaanan xaqiijinaynaa in Xamaas ay ugu kici doonto qiimaha uu sarreeya falkan shaydaan ee ay ku kaceen.”
Ciidanka Israa’iil ee IDF ayaa ku daabacay barta X “in muddadii lagu guda jiray shaqada xaqiijinta maydadka, in ay ogaadeen in maydka dheeraadka ah aanu ahayn maydkii Shiri Bibas, islamarksana aanu u ekayn cid kale oo lahaystayaasha ka mid ah. Kani waa mayd aan la aqoonsan karin.”
“Tani waa carqaladayn ay samaynayaan Ururka Argagixisada ah ee Xamaas oo laga rabay in ay dhowraan heshiiska lagu soo celinayo afar qof oo la qafaashay. Waxaan dalbanaynaa in Shiri iyo lahaystayaasha kalaba ay soo laabtaan,” ayaa ay yidhaahdeen IDF.
Wakaaladda qoysaska lahaystayaasha iyo dadka lumay ayaa sheegtay in ay ka walbahaareen warka sheegaya in Shiri aan lagu soo celin gurigeeda – ka sakow heshiiska iyo rajada quusta ku dhow.
Shiri, Ariel iyo Kfir Bibas waxa da’da 32 jirka u dheeraa afar iyo sagaal bilood markii ay Xamaas ku afduubatay weerarkii ay ku qaadday Israa’iil 7 October 2023. Waxa ay tusaale u noqdeen Israa’iiliyiin badan iyada oo warka dhimashadoodu uu noqday mid laga argagaxay.
Aabbaha dhalay carruurta oo la yidhaahdo Yarden Bibas, 34 jir, ayay Xamaas sii daysay 1-dii bisha February.
Maydka afraad ee Khamiistii la soo celiyay ayay Israa’iil ku sheegtay in uu ahaa nin caan ku ahaa u ololayn nabadda oo la odhan jiray Oded Lifschitz.
Maydadka la haystayaasha ay Xamaas sii dayasay ayaa qayb ka ahaa heshiis xabbad-joojineed oo ay dhinacyadu gaadheen oo dhaqangalay 19-kii January, waxaanay Israa’iil sheegtay in ay naawilasyo in 8 maydad ah loo soo gacan gelin doono.
Labada dhinac ayaa isku waafaqay in ay isdhaafadaan 31 lahayste oo ay Xamaas ku beddelanayso 1,900 oo ah maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira jeelasha Israa’iil. Heshiiska ayaa socon doona muddo lix todobaad ah.
Wadahadallo ku saabsan sidii loogu gudbi lahaa wejiga xiga ee heshiiska – oo lagu sii dayn doono la haystayaasha nool ee hadhay, dagaalkana si buuxda loogu joojin lahaa – ayaa la filayay in ay bilowdaan horraantii bishan, bal se weli ma bilaaban.
Siddeed iyo labaad lahaystayaal ah iyo 1,000 maxbuus ayaa ilaa hadda la is dhaafsaday.
Lix iyo lixdan lahayste oo la qabsaday 7-dii October ayaa weli lagu hayaa Marinka Qasa. Saddex kale oo lahaystayaal ah oo la qabsaday toban sano ka hor ayaa weli xidhan iyada oo la rajaynaayo in kala badh la haystayaasha Qasa ku sugan ay weli nool yihiin.
Qiyaastii 1,200 – oo inta badan rayid ah – ayaa lagu dilay weerarkii Xamaas ay qaadday 7-dii October 2023-kii iyada 251 qof oo kalana loo kaxayastay dhinaca Qasa. Israa’iil ayaa markaas kaddib iclaamisay hawlgal millateri oo xoog badan oo ka dhan ah Xamaas, kaas oo lagu dilay 48,297 Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.
Sidaas oo ay tahay, Khamiistii, saddex bas ayaa ku qaxay agga Bat Yam ee koonfurta Tel Aviv, kaas oo booliska Israa’iil ay ku sheegeen wax u muuqda fal argagixsio.
Sida ay boolisku sheegeen walxo ku jiray laba gaadhi oo kale ayaan qarxin waxaana la soo warinayaa in falkaasi aanu khasaare gaysan.
Xafiiska Raysalwsaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa iclaamiyay in ciidanka gaadhaandhigga la amray in ay qaadaan waxa loogu yeedhay ‘hawlgal ka dhan ah xarumaha argagixisada’ ee bariga Daanta Galbeed.