Muuqaalkan oo sannad walba la baahiyo isla markaana faahfaahin isku mid ah laga bixiyo ayaa waxa uu xiddiga reer Masar ee Maxamed Saalax iyo qoyskiisu ay sawir ku galaan geedka kirismaska, ee inta badan lagu xardho goobaha xilliyada ay dabaal degayaan dadka Masiixiyiinta ah, waxaana sawirka laga soo qaaday iyaga oo xiran dharka casaanka ah ee ay xirtaan dadka masiixiyiinta ah, ka dibna waxa uu ku baahiyey akoonnadiisa kala duwan ee baraha bulshada.
Waxaa sidoo kale baahiyay warbaahinno kala duwan, iyadoo ay ka dhalatay dood soo noqnoqotay
Shalay oo Arbaca ahayd, kuna beegneed Ciidda Masiixiga, xiddiga Liverpool waxa uu soo dhigay sawirka isaga iyo xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay, kaas oo dib u furay doodii ku saabsaneed ciyaaryahankaan dhawaanahaan hadal haynta dhaliyay.
Tan iyo Oktoobar toddobadeedii, 2023-ka, Saalax waxa uu la kulmayay dhaleecayn uga imanaysay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Carabta ah oo aaminsan in aanu mowqif cad oo adag ka qaadanin taageerada Falastiiniyiinta inta uu socdo dagaalka Qasa.
Haweeney ayaa sheegtay in Maxamed Saalax uu yahay “Ciyaaryahanka Carbeed ee ugu xun Yurub ee matala Carabta” sababtoo ah wuxuu luminayaa dhacdooyinka khuseeya Muslimiinta.
Maxamed Saalax ayaa looga bartay inuu soo jiito indhaha dadka sababtoo ah wacadaraha uu ka dhigo kooxdiisa, waxaana uu haatan hoggaanka u hayaa gooldhalinta horyaalka England isagoo leh 15 gool.
Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku kaftamay markii sawirka uu soo dhigay barihiisa bulshada, waxayna u arkeen in waqtigii muranka iyo “isbeddelka” uu bilaabmay.
Muranka ka dhashay sawirkan ayaa kusoo aadaya xili ay wali socoto doodda ku aadan sharci ahaanshiyaha diiniga ah ee in loo dabaal dago ciidaha aan aheyn kuwa Muslimka, waxaana loogu hambalyeynayaa arintaas.
Sidaa darteed, isticmaalayaasha baraha bulshada waxay arkeen in xiddiga reer Masar uu ku kacay fal diineed oo aan sharci ahayn, iyo inuu ku sii dhowaanayo reer Galbeedka oo uu isku dayayo inuu qaato caadooyinkooda isagoo rajeynaya inuu kasbado dadkooda.
Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha Internedka ayaa sheegay in Saalax “uu waayay aqoonsigiisii iyo Carabnimadiisa, sababo la xiriira hab-dhaqankiisa.
Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa Salah barbar dhigaya ciyaartoyda kale ee Muslimiinta ah, iyagoo sheegay in ciyaartoyda waaweyn ee Muslimiinta aysan u dabaaldegin Christmas-ka, sida Faransiiska Karim Benzema iyo Sadio Mane oo Senegalese ah.
Hal qof ayaa sheegay in Saalax uu sii ahaan doono kibirka Carabta ee garoonka oo kaliya, laakiin ka baxsan garoonka, maahan.
Waxa uu yiri “Taariikhdu waxa ay xusi doontaa Maxamed Saalax in uu ahaa Muslimkii Carbeed ee guulo waaweyn ka soo hooyey Yurub iyo caalamkaba, balse taariikhdu weligeed ma xasuusan doonto isaga oo uu inoo yahay tusaale ku dayasho mudan annaga iyo caruurteena”.
“Boqorka Masar”, sida ay ugu yeeri jireen taageerayaasha Liverpool tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Ingariiska 2017, waxaa ammaanay dadka aan Carabta ahayn.
Mid ka mid ah ayaa ka faallooday sawirka isagoo leh: “Diinta nabadda.”
Isticmaalayaasha Carabtu waxay Saalax u arkeen inuu yahay “qof ku faana wada noolaansho iyo dulqaad.”
Mid kale ayaa u arkayay hab-dhaqanka Saalax inuu ka dhigan yahay dulqaad iyo dadnimo, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday inuusan qofna xaq u lahayn inuu xaddido ra’yiga dadka kale ama uu ku eedeeyo in aanu haysan diinta Islaamka.
Qof kale ayaa ku tilmaamay xiddiga reer Masar inuu yahay qof qurux badan oo caadi ah, wuxuuna arkay in qoyska Saalax ay farxadda iyo raynraynta la wadaagayaan dadka kale ay muujinayaan “dabeecadaha caadiga ah ee bini’aadamka ee dadka.”
Saalax waxa uu ammaan ka helay qof yiri “waa og yahay in qiyamka bini’aadamka ee sharafta leh uu yahay macnaha ugu sarreeya.”