Madaxwayne ku-xigeenka dowladd goboleedka Galmudug mudane Cali daahir ciid ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxda Hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Soomaaliya .
Madaxda Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arimaha Gargaarka oo goordhow soo gaaray Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweyay wasiirka Gargaarka Dowladda Galmudug ayadoona madaxtooyada kulan gaar ah uu kula qaatay madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Galmudug oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug.
Wafdigan ayaa maanta Magalada Dhuusamareeb oga qayb-galaya shirka madasha arimaha bin’aadanimadda Soomaaliya oo Dhuusamareeb ka furmaya.
