Ciidamada fallaagada ayaa arbacadii bilaabay weerarkii ugu ballaarnaa ee ka dhana dowaldda Suuriya muddo sanado ah.
Sabtida, waxay la wareegeen mamaulka “ Qeyb ballaaran” oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka oo ah Xalab.
Weerarkan lama filaanka ah ayaa dhaliyey duqaymiii ugu horreeyey ee dhanka cirka ee Ruushku ku qaado magaaladaaas tan iyo 2016-kii, waxaana la arkayey militariga Suuriya oo ciidamadooda kala baxaya magaalada.
Weerarka waxaa hoggaaminayey Kooxda Islaamiyiinta ah ee Xayat Taxriir al-Sham (HTS) kuwaas oo taariikh dheer ku leh colaada Suuriya.

Kooxda Xayat Taxriir al-Sham (HTS), waxaa lagu asaasay magac ka duwan kan oo ahaa Jabhat al-Nusra sanadkii 2011-kii, iyagoo xiriir toosa la leh Al-Qaacida.
Hoggaamiyaha kooxda isku magacaawday Dawladda Islaamiga ah (IS), Abu Bakr al-Baghdadi, ayaa sidoo kale ka qayb qaatay aasaaskooda.
Kooxda waxaa loo arkaa mid ka mid ah kooxaha ugu firfircoon uguna halista badan ee ka dhanka ah Madaxweyne Bashar al-Assad.
Laakiin fikirkooda jihaadiga ayaa ahaa xoogga ugu weyn ee dhaqaajiyay, halkii ay ka ahaan lahaayeen dhaqdhaqaaq kacaanka – waxaana loo arkayay xiligaas in uu khilaafsan yahay isbahaysiga ugu wayn ee falaagada ah ee hoos taga calanka Suuriyada Xorta ah.
Laakiin Sanadkii 2016-kii, hoggamiyaha kooxda Abu Maxamed al-Jawlani, ayaa meel fagaare ah ugu goostay ururka Al-Qaacida,isagoo isaga baxay Jabhadda Al-Nusra, wuxuuna asaasay urur cusub oo magaciisa la yiraahdo Xayaat Taxriir al-Sham. Dhowr urur oo la mida ayaa la midoobay sanado ka dib.
Yaa gacanta ku haya Suuriya?

Dagaalka Suuriya ayaa afartii sano ee la soo dhaafay laga dareemayay inuu si wax ku ool ah udhammaaday.
Xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa ah mid aan lagu muransanayn magaalooyinka waaweyn ee dalka, halka qaybo kale oo ka mid ah Suuriya ay weli ka maqan yihiin gacantiisa.
Kuwaas waxaa ka mid ah meelaha ay ku badan yihiin Kurdiyiinta ee bariga, kuwaas oo waxyar mahee inta badan ay ka maqan yihiin gacanta dowladda Suuriya ilaa sanadihii hore ee colaadda.
Waxaa jirtay meelo ay ka sii socdeen inkasta oo qalaasuhu uu yara hakaday koonfurta halkaas oo ahayd halkii kacaanka looga soo horjeedo xukunka madaxweyne Asad uu ka bilaamay sanadkii 2011-kii.
In ballaaran oo ka mida lama dagaanka Suuriya, kooxda isku magacowday dowladda Ismaaliga ee IS, ayaa wali halis amni ku ah.
Dhanka waqooyi-galbeedna, gobolka Idlib waxaa gacanta ku haya kooxaha jihaad doonka ah.
Ciidamada ugu badan ee ku sugan Idlib ayaa ah kuwa weerarka lama filaanka ah ku qaaday Xalab.
Dagaal qaraar oo gudaha ah

Muddo dhowr sano ah, Idlib waxa ay ahayd goob dagaal iyadoo ciidamada dowladda Suuriya ay isku dayeen in ay dib ula wareegaan gacan ku haynta.
Laakiin heshiis xabbad-joojin ah oo 2020 ah oo ay dhexdhexaadinayeen Ruushka, oo muddo dheer ahaa xulafada muhiimka ah ee Asad, iyo Turkiga, oo taageeraya fallaagada, ayaa si ballaaran u ilaaliyey.
Ilaa afar milyan oo qof ayaa halkaas ku nool – intooda badan waxay ka barakaceen magaalooyin ay ciidammada Bashaar Al-Asad dib uga soo ceshadeen fallaagada ka dib dagaal ba’an
Xalab, waxay ahayd mid ka mid goobaha dhiiga badan ku daaday ee dagaaladaka dhaceen waxayna u taagan tahay mid ka ah goobaha guuldarooyinka waaweyn ay kala kulmeen fallaaqada.
Si uu guul u gaaro, Assad wuxuu ku tiirsanaa taageerada hawada ee Ruushka iyo caawinta militariga Iran ee dhulka – inta badan iyada oo loo marayo maleeshiyaad ay maalgeliso Iran.
Kuwaas waxaa ka mid ahaa Xisbullah.
In muddo ah, kooxa HTS, ayaa xarun awooddeed ka sameysatay Idlib halkaas oo ay ka tahay maamulka rasmiga ah ee deegaanka, inkastoo dadaalkeeda ku aaddan sharcinimada ay wiiqday xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Waxa kale oo ay ku lug lahayd dagaalo qaraar oo kooxo kale la galeen.
Himiladeeda ka baxsan Idlib ayaa noqotay mid aan caddeyn.
Tan iyo markii ay ka go’day Al Qaacida, hadafkeedu wuxuu ku koobnaa in la isku dayo in Suuriya laga dhiso xukun Islaami ah oo asal ah halkii ay ka ahayd khaliifad ballaaran, sida IS ay isku dayday oo ay ku guuldareysatay