Madaxweyne Erdogan oo ku soo wajahan dalal Somalia ka midtahay

Madaxweynaha dalka  Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa billaabay safarro xiriir ah oo isaga kala gudbayo Dalal dhaca Qaaradaha Afrika iyo Aasiya  si uu usoo xoojiyo xiriirka Turkiga iyo dalkaan uu safarka ku marayo.

Sida ay xaqiijiyeen masโ€™uuliyiin katirsan Madaxtooyada dalka Turkiga, Erdogan ayaa muddo 3 cisho ah ku socdaali doonna Malaysia, Indonesia iyo Pakistan waxaana safarkaan uu noqonaya 10ka ilaa 13-ka bishaan ku guda jirno ee Febaraayo.

Intaas kadib Madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay in uu u soo jiheysan doonno Qaaradda Afrika isaga oo booqanaya dalkeena  Soomaaliya & Itoobiya sida ay sheegayaan ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wufuud hordhac u ah safarka Erdogan ayaa gaartay Malaysia, Indonesia iyo Pakistan, Madaxda Dalalkaas ayuu kala hadli doonna kaalmada Turkiga ay ka heli karaan, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya & xaaladda ka taagan Dalalka Islaamka.

Bartamihii Deseembar 2024 ayuu Madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyay in Janaayo ama febaraayo 2025 uu safar ku tagayo Soomaaliya iyo Itoobiya si uu ula kulmo madaxda labada dhinac.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa socday diyaargarow xooggan oo la xiriira safarka Madaxweynaha Turkiga ee Soomaaliya, weli si dhab ah looma shaacin maalinta iyo taariikhda uu sida rasmiga ah ugu soo beegan yahay Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *