Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa u magacaabay Karoline Leavitt oo 27 jir ah inay noqoto Xoghayaha Saxaafadda Aqalka Cad, taas oo ka dhigaysa qofkii ugu da’da yaraa ee jagadan qabta taariikhda Mareykanka.
Leavitt horey waxay uga soo shaqeysay ololaha doorashada Trump ee 2024 iyadoo Trump u ahayd xoghayaha saxaafadda qaranka, sidoo kale Aqalka Cad ayay kasoo shaqeysay muddo-xileedkii hore ee Trump markii ugu horreysay.
Dhanka waxbarashada, Leavitt waxay ka qalin jabisay jaamacadda Saint Anselm College iyada oo baratay xiriirka bulshada iyo cilmiga siyaasadda.
Trump ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in Leavitt ay si hufan u gudbin doonto farriimaha maamulkiisa oo ay bulshada si fiican u gaarsiin doonto.
