Ogaal TV

Gudoomiyaha Ganacsatada Degmada Xamarweyne Cismaan Beenoos oo sheegay in dil loogu Hanjabay

Gudoomiyaha ganacsatada degmada xamarweyne cismaan maxamed cawaale cismaan beenoos oo sidoo kalana xubin ka ah rugta ganacsatada gobolka banaadir iyo tan soomaaliyeed oo shir ku qabtay xamar weyne ayaa ka hadlay burburin lagu sameynayo bacadlihii hore ee demagaasi waxa uu na sheegay in aan sifo sharci ah loo marin dhulka bacadlaha oo maalmo ka hor uu maamulka gobolka banaadir ku wareejiyay ganacsato la sheegay in ay ka dhisyaaan moolka ugu weyn soomaaliya.

 

Gudoomiye cismaam beenows oo gacata ku hayay bacadlaha tan iyo burburkii dowladii kacaanka islamarkaan sida uu sheegay ka badbaadiyay jamhadii iyo kooxihii kala duwanaa ee dalka soo maray ayaa xusay in la ilhaanaystay oo aan wax la tashi ah laga sameyn qorshaha ganacsatada lagu wareejiyay dhulka bacadlihii hore. madaama uu yahay gudoomiyaha rugta ganacsatada degmada xamarweyne mudo dheerna uu gacanta ku hayay bacadlaha.

Gudoomiye cisman beenoos ayaa ka digay boob uu sheegay in lagu hayo dhulka dowlada waxa uuna baaq u diray madaxda ugu sareysa ee dalka.

 

 

Exit mobile version