Golaha Wasiirrada XFS oo loo soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa su’aallo ka weydiiyey guddiga isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *