Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cabdiqaasim oo si Wadajir ah war u soo saaray,

Madaxweynayaashii hore ee Dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay dhaliilo xoogan ugu soo jeediyeen dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxweynayaasha ayaa qoraalkooda ku bilaabay: Ugu horrayn, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay howl-gallada ku takri-falka dhulka danta guud ee ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana leenahay Eebbe ha u naxariisto intii ku dhimatay kuwa ku dhaawacmayna Alle ha caafiyo.

Sida ku cad qodobbada 25aad, 26aad iyo 43aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, qodobbada 50aad iyo 51aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud oo qeexaya hantida danta guud iyo sida loo maamulayo iyo qodobbada 6aad iyo 22aad ee Xeer Lr 41 ee Sharciga Dhul Qaybinta. Qodobbadaas dhammaan waxay qeexayaan marka dhul laga saarayo diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay waajib tahay in la xaqiijiyo arrimahan:

In muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed,

In la soo bandhigo in laga maarmay dhulka la iibinayo iyo sababta,

In iibintiisa ay ka masuul tahay Hay’adda Ilbka Qaranka,

In la naadiyo, laguna qoro Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaaddaan,

In la xaqiijiyo u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa,

Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan mabaadi’da dheefsashada dhulka, iyada oo aan dhibaato loo geysan deegaanka,

Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida,

Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takri-falidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar,

In la dhigo Khasnadda Dhexe ee Dowladda dakhliga ka soo xarooda dhulkii la iibiyay.

Waxaa ayaan darro weyn ah in aan la marin qodobbada sare ku xusan oo shuruucda dalka ay waajibinayaan in la raaco, isla markaan si bareer ah loogu tuntay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka.

Haddaba, anagoo tixgalinayna cabashooyinka isdaba-joogga ah ee naga soo gaaraya qoysaska la barakiciyey waxaan u soo jeedinaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:

Inuu ka waan toobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.

In dib u dajin loo sameeyo dadka la bara kiciyay, xaq dastuuri ahna u leeyihiin in ay helaan deegaan.

In dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaan ka sharciyeysan.

Ugu dambayn, ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah waxaan ugu digaynaa in aysan ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasadka iyo boobka hantida qaran, iyagoo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka laa de Dastuurka Dalka.

Waxaa soo wada saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka:

Mudane C/qaasim Salaad Xasan

Mudane Shariif Sheekh Axmed

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *