Ogaal TV

Faalo uu Yuusuf Garaad 11-sano ka hor ka qoray Xaalada Kismaayo

Shalay ayaa la shaaciyay in shirkii ka socday Kismaayo uu xilka Madaxwynaha Jubbaland u doortay Axmed Maxamed Islaan. Cid la tartantay ma jirin. Murashixintii xilkaas u taagnaa qaarkood muran ayay geliyeen sida ay doorashadu u dhacday.

In yar ka dib waxaa soo baxay war ah in Barre Hiraale, oo hadda ka hor Wasiir Difaac ahaan jiray, uu isaguna sheegay in loo doortay isla jagadaas.

Dowladda Soomaaliya oo hore ugu tilmaantay shirka Kismaayo in uu sharci darro ku yahay Dastuurka ayaa iyaduna isla shalay Kismaayo u dirtay wafdi ka kooban xildhibaanno iyo Wasiir ku xigeen. Xukuumaddu tallaabadan ayay qaadday inkatsa oo ay baarlamaanka taallo dacwad la doonayo in iyada lagu kala diro.

Sidii in Kismaayo aan intaasi dhib ugu filneyn, ayaa waxaa iyaguna Muqdisho ka hadlay odayaal ku hadlay magac qabiil. Hadda ka hor odayaashu wey hajnabeen, laakiin markan Kenya ayay ku eedeeyeen khatarta ka imaan karta Kismaayo. Puntland iyaduna waxay ka soo saartay dhowr hadal oo ku wajahan xaaladda oo mid ka mid ahi u hambalyeeyay doorashada Axmed Maxamed Islaan.

Waxaas oo dhan waxay dhacayaan iyada oo dowlad iyo shacab Soomaaliyeed midkoodna Kismaayo daafici Karin. Ciidammada dalka deriska ah ee Kenya ayaa berriga Kismaayo Soomaalida is khilaafsan dusha uga ilaaliya. Baddana Soomaalidu kamaba warqabto.

Muqdisho saaka waxaa ka degaya wafdi ka socda IGAD oo xaqiiqo raadis ah. Wuxuu daba joogaa go’aankii Hoggaamiyayaasha dalalka IGAD ay ku gaareen Ethiopia.

Kismaayo waxaa hore loogu daadiyay dhiig badan oo Soomaaliyeed. Waxaan is weydiiyay – Maxaa laga bartay? Dadka naftooda ma waxaa ka qiimo badan dhulka iyo qabka qabiilka iyo qofka?

Maanta oo kale xikmaddu kuma jirto hanjabaad iyo qir iyo qir. Kuma jirto is magacaabid. Kuma jirto in reernimo in la isu bahaysto ee reeraha kale hawada loo mariyo hanjabaad. Kuma jirto in la is moodsiiyo in dad la duudsin karo.

Waxaa ila habboon dadka colaadda hurinaya xagga idaacadaha, websiteyada iyo gaar ahaan Facebook in ay ka dhowrsadaan colaad dad maanta nool laga yaabo in ay ku dhintaan.

Sidoo kale inta aan Kismaayo joogin waxaa habboon in aanay arrinta uga sii darin. Waxaa habboon in, haddii ay karaan, ay gacan ku siiyaan in marka hore dadka gudaha Kismaayo ku sugan ay is qanciyaan.

Waxgaradka faraha badan ee Kismaayo ku sugan oo uu ugu weyn yahay Ra’iisal Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan marka hore in aan Kismaayo gudaheeda lagu daadin dhiig dambe oo Soomaaliyeed. Kismaayo laba shir kama socon ee hal shir ayaa ka socday.

Dowladda Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka ah Somalia Somaaliya oo dhan waa in ay xal deg deg ah u heshaa si aan ammaanku gacanta uga bixin. Taas kuma filna wafdi xildhibaanno ah. Berrina jawaab noqon meyso in la is eedeeyo. Dowladda ayada oo la kaashaneysa cid kasta oo gacan ka geysan karta waa in ay xaqiijisaa in aan la is dilin. Mas’uuliyaddaasi iyada ayay saran tahay.

Ma aha in indhaha laga qarsado in IGAD oo ay ugu horreyso Kenya, oo ciidankeedu gacanta ku hayo Kismaayo, madaxda halkaa joogtana ay qaarkood xulufo la yihiin, aan looga maarmeyn in ay gacan ka geysato sidii xal looga gaari lahaa xiisadda aloosan. Hawl aan ku huri doonin horaa loo qabtaa.

Geesi waxaan maanta u aqaan qofkii xiisadda qaboojiya. Qofkii tanaasula. Qofkii xal keena.

Geesi waa Qofkii dadkeenna kala badbaadiya.

Exit mobile version