Israel ayaa qaadday weeraro aan la filayn oo ay ku jihaysan caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda.
Weerarradii ugu horreeyay ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut.
Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah.
Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas
“Waa goor hore in la sheego, laakiin waad ogtahay, waa arrin waqti uun ah. Mararka qaar way qariyaan xaqiiqda marka aan guuleysanno,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii weerarka Israa’iil ee Jimcaha ay ku dileen Nasrallah.
Ciidamada Israel ayaa amray in dadka ku nool saddex aag oo gaar ah ay guryahooda ka baxaan, kadibna waxay fuliyeen in ka badan labaatan weerar oo kale muddo shan saacadood ah.
Kumannaan qof ayaa guryahooda ka qaxay iyagoo gabbaad ka raadinaya barxadaha, fagaareyaasha iyo laamiyada Beyruut.
Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku dileen taliyeyaal ka tirsan Hezbollah.
Waa kuma Hassan Nasrullah?
Sheekh Xasan Nasrallah waa wadaad Shiico ah oo tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 1992-kii madax ka ahaa kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, kooxdaan ayaa xilligan lagu tiriyaa mid ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ugu muhiimsan dalka Lubnaan, kuwaasoo leh ciidamo hubeysan oo u gaar ah oo ay wehliyaan ciidamada Qaranka Lubnaan.
Xasan Nasrallah , oo caan ka ah Lubnaan iyo dalalka kale ee Carabta, ayaa lagu tiriyaa wejiga ugu weyn ee Xisbullah, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay isbeddelka taariikhiga ah ee kooxdan si ay u galaan saaxadda siyaasadda iyo inay awood ku yeeshaan haykalka dawladda Lubnaan.
Waxa uu xiriir qoto dheer la leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo hoggaamiyaheeda, Ayatullah Cali Khumeeyni, Inkasta oo uu Maraykanku ku daray Xisbullah liiska ururada argagixisada, haddana madaxda Iran iyo Nasrallah midkoodna ma qarin xiriirka so jireenka ah ee ka dhaxeeya.
Xasan Nasrullah waxa uu leeyahay taageereyaal badan oo jecel, si la mid ah waxa uu leeyahay cadaw badan, in muddo ah kama uusan soo muuqan meel fagaare ah isagoo ka baqaya in Israa’iil ay disho, in uusan soo muuqan ma aysan sababin in taageerayaashiisa waayan khudbadihiisa.
Khudbadaha uu jeediyo ayaa ah aalad muhiim ah oo Nasrullah u adeegsado si uu uga faalloodaa arrimo kala duwan ee ku saabsan Lubnaan iyo caalamka.
Markii uu Nasrallah ku biiray kooxda Xisbullah, waxa uu jiray 22 sano oo keliya,
Bartamihii 80-meeyadii, ayuu mar kale Nasrallah wuxuu go’aansaday inuu u guuro magaalada Qom ee dalka Iraan si uu u sii wato waxbarashadiisa diinta. Mudadii uu ku sugnaa machadka Qom, Sheikh Xassan waxa uu noqday mid aad ugu xeel dheer luuqada Faarisga ee dalkaasi Iraan looga hadlo , waxa uuna la samaystay saaxiibo badan oo saameeyn siyaasadeed iyo miltari ku leh dalka Iran.
Markii uu ku laabtay Lubnaan waxa isla markiiba waxa dhashay khilaaf weyn oo u dhexeeya isaga iyo Cabbaas Muusawi oo ka tirsan hogaanka Xisbullah , Waqtigaas, Musaasawi wuxuu taageeray kordhinta dhaqdhaqaaqa Suuriya iyo saameynta Lubnaan ee hoggaanka Xaafid Assad. Taas bedelkeeda, Nasrallah wuxuu ku adkaystay in kooxdu ay diiradda saarto weerarrada ka dhanka ah askarta Mareykanka iyo Israa’iil.