Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Xoogga iyo Sirdoonka NISA ayaa howlgalo wadajir ah ka sameeyay Deegaanka Xawaadley Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Saraakiil katirsan ciidamada howlgalka sida wadajir ah u wada ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen deegaanno iyo tuulooyin hoostaga Xawaadley oo gacanta ku hayaan ‘AS’ iyada oo aanay jirin dagaal halkaas ka dhacay.
Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojinayo kuwa fuliyay howlgalkaan ayaa la geeyay deegaanno u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe si ay u fuliyaan howlgalladaan ka dhanka ah ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Mas’uuliyiin katirsan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidamada isugu jira Xoogga Dalka iyo Kuwa Nabadsugidda in ay saldhigyo ka sameysteen deegaannada qaar si ay uga hortagaan dib isu abaabulka ‘AS’