Ogaal TV

Faafaahin Afar ganacsato oo lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin AS. ayaa afar qofood oo shacab ah ku dilay Xaafada Oodweyne, degmada dayniile ee gobolka Banaadir.
Ganacsatada la dilay oo sadax ka mid ah ay tukaamadoodu iska soo hor-jeedaan ayaa la sheegay in ay horay u soo waceen As. isla markaana ay ku war galiyeen in ay furaan Kaamiro ay goobahooda ganacsi ku xireen.
dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada Muqdisho ku amartay in ay xirtaan Camira nuuca CCTV hasayeeshee waxaa muuqatada in laamaha amaanku ay ku guul dareyteen sugidda amniga ganacsatada.
dhawaan ayaa sidoo oo kale nin ganacsade ah loogu dhax-dilay goobtiisa ganacsi oo ku taala xaafada Suuqa xoolaha.
Exit mobile version