Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa caawa gaaray dalka Djibouti. waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Emmanuel Macron ayaa la sheegay mudada uu ku suganyahay Jabuuti in uu Madaxweyne Ismaaciil cumar geele kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo geeska Afrika.
Madaxweynaha Farsiinsiiska ayaa sidoo kale safarkiisa Jabuuti kadib booqan doona Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmi doono Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.
