Ogaal TV

Diyaaradihii tagi jiray garoonka Kismaayo oo dib loo fasaxay

Waxaa dib u billaawday duulimaadyadii tagi jiray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii ay fasaxday dowladda Federaalka.

Maalmo kooban ayaa xiyaarad saarneyd Garoonka Kismaayo, ka dib markii Dowladda Federaalka sheegtay in fal ka baxsan Sharciga ay ku dhaqaaqeen maamulka Jubbaland.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa hore u sheegtay in Diyaarad gaar loo leeyahay ay maamulka Jubbaland afduubteen, wafdina ugu qaadeen magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in si caadi ah ay ku soo laabatay shaqadii garoonka Kismaayo Isla markaasna ay diyaarado yimaadeen, kana baxeen.

Garoonka Kismaayo ayaa kamid ah Garoomada ugu mashquulka badan dalka.

Exit mobile version