DAAWO: Hadalkii Qadaafi iyo Bur-burka Xukuumadda Assad: Saameynta Faragelinta Dibadda ee Siyaasadda Suuriya”
Sanadkii 2008-dii, inta lagu guda jiray shir madaxeedkii Ururka Carabta ee ka dhacay Damascus, Mucammar Qadaafi ayaa digniin adag u jeediyay hoggaamiyeyaasha Carabta ee ku saabsan khatarta faragelinta shisheeye, isagoo yiri, “Ciidamo shisheeye ayaa qabtay waddan Carbeed oo hogaamiyihiisiina ku daldalay, annagoo fiirineyna oo ku qosleyna. Mustaqbalkana sidaas oo kale ayaa adinkana idinku dhici doonto.” Hadalka Qadaafi ayaa la arkay in uu qoslayay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo goobta joogay, inkasta oo aysan caddayn qosolkiisu in uu ku wajahnaa digniinta Qadaafi.
Markii aan maanta dib u milicsano, erayada Qadaafi waxay u muuqdaan kuwo ay dhacdadu dhab noqotay. Kadib 13 sano oo dagaal sokeeye ah, xukuumadda Assad ayaa burburtay, taasoo muujineysa isbeddel weyn oo ku dhacay siyaasadda Suuriya. Dhacdadan ayaa na xusuusineysa hadaljeedintii digniinaha u badnaa ee uu Qadaafi u sheegayay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta.
Qadaafi oo digniinta jeediyay ayaa la afgambiyay oo la dilay sanadkii 2011-kii intii lagu jiray Dagaalkii Sokeeye ee Liibiya, kadib faragelinta NATO. Assad, oo ku qoslay digniinta Qadaafi ayaa haystay awoodda xukun ee dalkiisa mudo ka badan toban sano iyadoo Dagaalo Sokeeye ay gashay Suuriya, hadaljeedintii Qadaafina ay rumowday. Dhicitaanka xukuumadda Assad waxay muujineysaa jilicsanaanta awooda iyo saameynta joogtada ah ee isbeddelada gobolka, caalamka iyo dunida Carabta.
Xaaladaha hadda ay Suuriya gashay waxay keeneen su’aalo ku saabsan xasilloonida mustaqbalka dalka iyo saamaynta ballaaran ee ay yeelan karto Bariga Dhexe.