Ogaal TV

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay Tilaabo uu qaaday Taliye Odawaa

Ku dhowaad 70 kun oo ciidanka qalabka sida ah ayaa dowladda u diiwan gashan oo ay kala bar Milateri yihiin.

Taliyaha ciidanka waxay ahayd inuu hoggaamiyo, guutooyin, ururro, horimo iyo unugyo ciidanka xooga dalka ah, warbixinna ka qaato talisyo iyo hoggaamo,

dejiyana istaraatiijayad, qorshe iyo xeel dagaal oo argagexisada looga guulaysto ee ma ahayn in uu dhexjoogo tobaneeyo wiil oo tolkiisa ah oo gaajo, haraad iyo daal ugu dhex dhintay qaraxa argagexisada iyo duqaynta dawlada sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku yiri Hogaamiaha Xisbiga wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.Hadalkaan ayaa imanayaa xili maalmihii la soo dhaafay, Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Genaraal odawaa yuusuf raage oo furimaha dagaalka ku sugan uu warbaahinta ka soo muuqanayay isga oo ku qudbeynaya, ciidamo macawisley ah oo ay iska soo aruuriyeen qaar ka mid ah beelaha daga gobolak shabeelada dhaxe.

Dagaalka argagexisada wuxuu u baahan yahay istaraatiijiyad ciidan, qorshe xorayn, xasilin iyo maamul is wata ah, abaabul bulsho, iyo ayidaad caalami ah ayuu sidoo kale qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Madaxweynaha ayey ahayd in uu la yimaado aragti hoggaamineed, xulasho dad waxtar leh, iyo sumcad lagu kasbado taageerada shacabka, laguna dhiirageliyo ciidanka iyo halgamayaasha deegaanka.

Wuxuu kaloo dagaalka argagexisada (counter insurgence) u baahan yahay in la kala saaro dagaalka oo ah hawl amni iyo ciidan, iyo sababtii keentay argagexisada oo ah siyaasad.

Argagexisada goobaha dagaalka waa lagu jebin karaa, waatii sanad ka horba si wayn loo jebiyey, laakiin guusha dagaal waynaha ee lagu ciribtirayo dagaal keliya kuma filna ee waa in la daweeyo sabibihii keenay soo ifbaxooda.

Hogaamiyaha xisbiga wadajir ayaa qoraalkiisa ku soo gabgabeeyay Haddii, dhinac dagaal lagula jiro, dhanka kalana dhaqankii soo ifbaxooda ka qayb qaatay ka socdo waa adkaanaysaa in la ciribtiro.

Exit mobile version