Maxay ka wada hadleen Muuse Biixi iyo Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya?.

Hargeysa-15-10-2024–Madaxweynaha Maamulka  Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada Hargaysa ku qaabiley Safiirka Dalka Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern. Waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriika  Somaliland iyo Dawladda Sweden,
sidoo kale waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Sweden ee mashaariicda dhinacyada horumarinta bulshada.
Muuse biixi iyo Joachim Waern ayaa waxa sidoo kalana  kulankooda diirada ku saareen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, waxa aanay Somaliland u caddaysay safiirkaSwedan  ay ka go’an tahay inay beesha Caalamka u muujiyaan waxa ay  ka mudan yihiin oo ah inay ka mid noqdaan dalalka la aqoonsan yahay, marba marka ka danbaysana ay buuxinayaan shuruudaha qarannimo.
Madaxweynaha  Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *