Maxay Kenya Airways u joojisay duulimaadkii ay ku imaan jirtay Muqdisho?

Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto dhammaan duulimaadyada rakaabka ahaa ee ka bixi jiray magaalada Nairobi, isla markaasna imaan jiray magaakada Muqdisho, laga bilaabo 14, bishaan Oktoobar sanadkaan 2024.

 

War-saxaafadeed  ay soo saareen maamulka Kenya Airways ayay  ku sheegeen “Go’aanka ay gaareen ka dib markii sida ay sheegeen ay falan qeyn ku sameeyeen danaha shirkadda iyadoo la eegayo duruufaha ganacsi ee hadda jira.”

 

Inkastoo shirkaddu aysan faahfaahin ka bixin caqabadaha, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay la kulantay cadaadis iyo tartan uga imaanaya shirkadaha kale ee duulimaadka ku diyamaada Garoonka Muqdisho.

 

Diyaarado badan oo Ganacsato  Soomaaliyeed ay leeyihiin ayaa la tilmaamay  in ay u kala duulaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, kuwaasi oo qiimo ahaan jaban, taasi oo hoos u dhigtay suuq diyaarada Kenya Airways.

 

Sidoo kale, Diyaarad kale oo caalami ah oo ay ka mid tahay  EgyptAir ayaa

duulimaad ka billaawday Muqdisho bishii Luulyo 2024, iyada oo sameysay horumar weyn oo ku saabsan suuqa, soona jiidatay tiro badan oo rakaab ah.

 

Turkish Airlines, Qatar Airways, iyo Ethiopian Airlines ayaa sidoo kale duulimaadyo ka sameeyaan garoomada Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *