Wasiirrada arrimaha Soomaaliya Masar iyo Eritrea,ayaa ka wada-hadlay xaalada geeska Afrika

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York ee dalka maraykanka  kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh. Waxaana sida la sheegay ay ka wada hadleen xaalada gobolka geeska afrika iyo iskaashiga sadaxda wadan.

 

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka u jooga ka qayb gelka kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

 

Kadib kulanka Saddexda Wasiir qoraal kooban oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ayaa lagu sheegay in  ka wadahleen  qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xili todobaayadii dambi ay circa isku sii shareeraysay xiisada geeska afrika gaar ahaan mida u dhaxaysa Soomaaliya iyo itoobiya.

 

Masar ayaa todobaadyadii dambe gudaha muqdisho ku soo daabulaysay hub ay ugu deeqday dowlada fadaraal ah ee soomaaliya , arintaas oo ay ka seexan weyday itoobiya.

 

Eritrea oo Iyana waayadii dambe uu xumaa xiriirka kala dhaxeeya itoobiya ayaa isbaheysi la sameysatay Soomaaliya iyo masar waxaana isbaheysiga sadaxdaan wadan uu dhabar jab ku yahay damaca guran ee abiy axmed.

 

https://www.facebook.com/reel/1185546252728729

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *