Magaalada Masaajid Cali Gaduud Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa saakay weerar ku qaaday ‘AS’ waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ilaa haatan tiro rasmi ah laga hayn.
Gudoomiyaha Masaajid Cali Gaduud Saalax Cumar Xaayoow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawac badan la gaarsiiyay ‘AS’ halka dhankooda ay ka dhaawacmeen 4 askari sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka ayaa xooggiisa ka billowday dhowr waddo oo Magaalada Masaajid Cali Gaduud gala, Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas joogay ayaa dib uga baxay qaybo kamid ah magaaladaas sida uu xaqiijiyay Guddoomiye Saalax Cumar Xaayoow.
Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah ‘AS’ waxaana ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dib ugu laabtay kaddib maalmo kooban oo Muqdisho u joogay la kulanka Guddoomiyaha Midowga Afrika.