DAAWO: Ciidamada Ethiopia oo si rasmi ah looga reebay howlgalka AUSSOM & Mareykanka oo ka carooday

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii galnkii dambe  ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka la dhammaanaya sannadkan ee ATMIS.

Howglakaan cusub oo muddo xileedkiisu yahay 12-bilood waajibkiisana lagu sheegay;xasillinta iyo gargaarka bani’aadannimo ayaa laga reebay ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ahaa labadii howlgal eek a horeysay ee AMISSOM iyo ATMIS.

Fadhigii ay xubnaha golaha amaanku ku ansixiyeen howlgalkaan wuxuu ahaa fadhi kulul oo ay sidoo kale joogtay Itoobiya oo ay markii u horreysay Soomaaliya caddeysay in laga reebay howlgalka Midowga Afrika ee billaabanaya 2025.

Waxaa Qaraarka soo diyaarisay dowladda Ingiriiska . Waxaa haa ugu codeeyay 14 dowladood ma jirin wax diidday, balse waxaa ka aamusay dowladda mareykanka oo shir gudoonka fadhiga aheyd guddoonka.

Wakiilka u hadlay Itoobiya , ayaa sheegay in  ciidanka Itoobiya inay lama huraan u yihiin xasillinta Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay ,

 wuxuu tilmaamay in kooxda AS ay isku fidinayso dalka illaa uu gaarsiiyay inay iskudayayaan inay isku ballaariyaan dhulka xeebaha Soomaaliya, natiijadana wuxuu markaa ku sheegay inay ugu dambeyn awood u yeelan karaan AS inay khalkhal galiyaan marinnada biyaha caalamiga ah,

isagoo sharraxaya khatarta wakiilka itoobiyaanka ah eek a hadlay fadhiga golaha amaanka ee qaramada midoobay , wuxuu sheegay inuu jiro midow u dhaxeeya kooxaha AS iyo Daacish.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray“ Waxaa hadda la joogaa marxalad xasaasi ah, beesha caalamka maalgelin badan ayay ku sameysay Soomaaliya, waana inaan maanta la khasaarin mirahaasi.

Itoobiya waxay sii wadeysaa naf hurnimada ay ka sameysay Soomaaliya kadib hawgalkeeda ka dib ATMIS…

Itoobiya waxay wada shaqeyn lasii wadeysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya— Hase ahaatee waxaa jira dhinacyo saddexaad oo raba inay qas ka sameeyaan gobolka kuwaas oo aan wax saameyn ku lahayn gobolka, waana in loo sheegaa inay ficiladaas ka joogsadaan…!

Dhinaca sadaxaad ee uu sheegayo wakiilka itoobiyaankaa h dabcan waxa uu ula jeedaan dowladda masar oo dhawaan heshiis millatari iyo mid difaacba la saxiixatay dowladda soomaaliya lana filayo in ay ciidamadeedu ka mid noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM.

Soomaaliya ayaa u muuqatay inay heysay , hadallada ay Itoobiya ka sheegi doonto kullanka, kaddib markii ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu hoos u dhigay khatarta ay soo bandhigtay Itoobiya , isagoo markaa caddeeyay inay Soomaaliya hubisay 11,000 ee askari ee muhiimka u ah howlgalka AUSSOM, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.

Macluumad kale ee kulanka lagu soo bandhigay?

1.In Itoobiya laga saaro howlgalka.

2. In Uganda ay la wareegto dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay howlgalka cusub, iyadoo Uganda ay noqonayso dalka ciidanka ugu badan howlgalkan ku biiranaya oo gaaraya 7,175 oo askari.

3. Jabuuti ayaa ku sii jiraysa Soomaaliya , iyadoo howlgalka cusub ku yeelanaysa 1,800 oo askari oo goobahoodii sii joogaya.

4. Kenya ayaa ah dalka labaad ee xadduudda la leh Soomaaliya ee ku sii jiraya howlgalka , waxay ku lahaanayaan AUSSOM 1,400 oo askari oo sii joogaya aagga loogu yeero qeybta labaad oo ah Jubbaland.

5. Waddanka 4 aad ee qeybta ka ah howlgalka waa Burundi oo hoos loo dhigay , waxaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari, balse si dhaqso leh Burundi ayaa soo bandhigtay inaysan ku faraxsanayn in la soo koobay tirada ciidanka ay ku yeelanayso AUSSOM, waxayna dalbanaysaa in loo oggolaado in la geeyo wax aan ka yarayn 2,000 oo askari. Burundi ayaa sheegtay in tiro kasta oo intaas ka yar ay shaqaalaheeda gelin doonto khatar.

Masar, lama soo bandhigin doorka Masar , tan oo meesha ka saaraysa walaaca laga qabay sida ay Soomaaliya u wada joogi karaan waddamada waqtiga dheer khilaafku ka dhaxeeyay ee Itoobiya iyo Masar!

Su’aasha la is weydiinayo ayaa ah muxuu Mareykanka uga aamusay ansixinta howlgalka AUSSOM?

Ku-xigeenka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay,oo ahaa shir-guddoonka kulanka golaha ammaanka ee lagu ansixiyay howlgalka AUSSOM, ayaa sharraxaday sababta uu Mareykanka u noqday dalka kaliya ee ka aamusay ansixinta howlgalkan, waxayna sheegtay ; “ Sababta Mareyanku u taageeri karin qaraarkan waa in markii hore naloo sheegay in 75% kaliya kharashaadka ku baxaya AUSSOM looga baahan yahay deeq bixiyaasha, halka 25% soo hartay ay tahay inay wadajir u bixiyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika… Haddase waxaa muuqata in la gaarsiiyay 90% guud ahaan kharashka ku baxaya AUSSOM inay tahay in deeq bixiyaashu bixiyaan.

Taasi ma aha mid aan aqbali karno.”

Kulanka waxaa laga arkay inay jirto xaalad dhaqaale oo uu la kulmi karo howlgalka cusub AUSSOM, illaa laga sheegay in Midowga Afrika uu dib u eegis ku sameyn doono arrimaha dhaqaalaha si loo dheelitiro, sababtoo ah Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay si cad u sheegeen inaysan heyn dhaqaale badan oo ay ku bixin karaan howlgalkan, tani waxay Soomaaliya uga dhigantahay howlgalkan midkii u dambeeyay ee dhaqaale ay u heli karto , waa wax u dhigma ‘waa inay Soomaaliya muddadaa sannadka ah ku gaartaa inay ku filnaato ammaankeeda , sababtoo ah ma jiro doono howl kale oo si dhaqso ah ay Soomaaliya dhaqaale uga heli karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *