Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Fadhigii u horeeyey yeeshay

Hargeysa-15-12-2024-()-Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).

Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in looga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *