Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka daah furay shirweynaha Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed kaas oo dalka lagu qabanayo muddo 35 sanno kadib ah.

Shirweynahan waxaa ka qeyb galaya in ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika.

Shirweynaha meertada 15-aad ayaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *