Taliyaha ciidamada Xoogga oo kormeeray diyaaradaha ciidanka Cirka iyo hub DF soo iibsatay

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay Gaadiidka kuwa dagaalka ah oo Dowlada Soomaaliya soo Iibsatay, isaga oo maalmihii la soo dhaafay waday kulamada uu la yeelanayo Saraakiisha Ciidamada.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa kormeeray Qeybta Diyaaradaha Cirka Xoogga ay yaallaan isaga oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidanka.

Taliyaha ayaa sheegay in qalabka iyo saanadan ay ugu diyaar garoobayaan dagaalka AS, isla maraasna uu sii wadi doono kulamada.

Dhowaan ayay aheyd markii Sareeye Gaas Odowaa loo magacaabay xilka Taliyaha ciidamada Xooogga, si uu u dardar galiyo howlgallada ka socda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *